Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska Vicky Ford, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labad Dal.
Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, iyadoona Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uu uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.
Wadahadalka ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska Vicky Ford ayaa kusoo aadayo iyadoo Dhowr xildhibaan oo Ingiriis ah, ay taageeren doodda uu maanta hordhigayo baarlamaanka Ingiriiska xildhibaan Gavin Williamson, oo ku saabsan qadiyadda Somaliland.
Xildhibaanada soo dhoweeyey doodda maanta waxaa kamid ah Stephen Doughty, iyo Tom Tugendhat.