Somali News

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo kulan la qaatay danjiraha Ingiriiska

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Saraakiil sare oo ka socda Hawlgalka Midiwga Afrika ee ATMIS.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray habkii loo qurxin lahaa Garoonka Aden Cabdulle iyo Nawaaxigiisa,iyadoona Hay’addaha kala duwan ee dagan gudaha Garoonka laga codsaday inay Hay’ad walba qurxiso wajahadeeda oo aysan ku koobnaan gudaha Xarumahooda.

Sidoo kale waxaa la isla  soo qaaday Xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo ka dhacaysa Xayndaabka Garoonka Aden Cabdulle iyo sidii si habsami leh ay ugu qabsoomi lahayd.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ayaa hay’adaha kale duwan ku bogaadiyay habka wada shaqayntooda.