Somali News

Xaalad nolol xumo oo ka jirta Degmada Afmadow.

Afmadow-KNN-Waxaa laga deerinayaa xaalada caafimaad ee ka jirta degmada Afmadow ee Gobolka Jubada hoose, Islamarkaana degmadaasi ay ku yar yihiin goobaha caafimaadka.

Gudoomiyaha  degmada Afmadow Yuusuf Xasan Xuseen oo ka hadlay dhibaatada caafimad daro ee ka jirta gudaha degmada Afmadow ayaa waxaa uu sheegay in Isbitaalka degmada uu u bahanyahay in la soo gaarsiiyo dawooyin iyo qalab caafimaad, isagoona hay’adaha samafalka Ka dalbaday in ay soo gaarsiiyaan isbitaalka daawooyinka iyo qalab caafimaad.

Deeganada ka tirsan Gobolka gobalka Jubada hoose ayaa waxaa xiligan waxaa ka jirta dhibaatooyin kala duwan oo haysaata dadka shacabka ah.