Somali News

Xaflada Caleema saarka madaxweyne Lafta Gareen oo socota.

Baydhabo-KNN-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa hada ka qeybgalaya Caleema saarka Madaxweyaha Maamulka K/Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen.

Masuuliyiinta ku sugan goobta ay ka dhacayso xaflada caleema saarka ayaa waxaa ay halkaasi ka jeedinayaan hadal jeedintooda oo inta badan u badan adkeyn amaanka iyo dowlad wanaaga.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.