Somali News

Xarumo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha oo la burburiyay.

Muqdisho-KNN-Howlgal lagu burburinayo Ganacsiga la sheegay in si sharci daro ah ay uga dhisan yihiin hareeraha suuqa  Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay gudaha suuqa soomaaliya ugu weyn  ee Bakaaraha.

Dhismaha la duminayo  oo ah saf balaaran ayaa waxaa ka mid ah  suuqa Dahablaha oo ah qeyb aad u mashquul badan.

Ciidamada amaanka ayaa wadooyin waaweyn ka furay aagaasi oo markii hore uu ahaa ciriiri ay shacabka ku qabeen.

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer waxaa ka kacay dab sababay khasaare hantiyadeed oo aad u ballaaran waxaana marar badan adkaatay in gurmad deg deg ah la sameeyo kadib markii ay gaadiidka gurmadka deg dega ah ay geli waayeen cariiri aawgeed.

Qaar kamid ah Malkiilayaasha goobaha Ganacsi ee maanta la bur buriyay oo danyar ayaa sheegay in loo awood sheegtay oo aan sifo sharci ah loo marin bur burinta goobahooda Ganacsiga.