Somali News

Xiisad u dhexeysa Puntland iyo Soomaaliland oo sakay ka taagan Sanaag.

Muqdisho-KNN-Wararka saakay ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in  Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland lag dareemayaa Gobalkaasi.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Somaliland ay  ciidamo aad  u fara badan  geysay Deegaanka  Yubbe oo u dhow  magaalada Ceerigaabo, iyadoona halkaasi ay saldhig military ka sameysteen.

Sidoo kale Maalin ka hor ayay aheyd markii  Maamulka Puntland ay ciidamo hor leh u dirtay degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga Gobolka Sanaag.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa shalay gaaray Deegaanka Xiingalool iyo Badhan oo dhamaantooda ka tirsan Gobalka Sanaag.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland iyo Somaliland ay ku wajahan yihiin Deegaanka Hadaaftimo oo aan wakhtigan midkoodna joogin waxaana laga cabsi qabaa in dagaal halkaasi uu ka dhaco.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in ay bilaabeen in ay ka barakacaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Sanaag.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool, iyagoona isku haysta in midka mid kale uu maamulo deegaano ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag.