Somali News

Xildhibaan Axmed Dhimbiil Casoowe oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho-KNN-Allaha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble oo ku magac dheeraa Xildhibaan ‘Casoowe’.

Xildhibaan Casoowe ayaa ka tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka.

Geerida Marxuum Casoowe waxaa KNN u xaqiijiyey xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhacay cudurka Coronavirus, oo si weyn ugu baahay dalka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa Muqdisho, sida ay noo sheegeen xildhibaanada noo xaqiijiyey geeridiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Casoowe.

Xildhibaan Casoowe waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weynaa golaha shacabka, waxaana laga soo doortay gobollada waqooyi ee Somaliland.