Somali News

Xilliga la maxkamadeynayo rag lagu eedeeyay weeraddii New York oo la shaaciyay.

Muqdisho-KNN-Waxaa la shaaciyay xilliga la maxkamdeynayo rag uu ka mid yahay Khalid Sheekh Maxamuud oo lagu edeeyay in uu nakhshadeeyay Weeraddii Mareykanka lagu qaaday 11kii September Sanadkii 2001.

Khaaliid Sheekh Maxamud waxaa lala maxkamdeyn doonaa Afar nin oo kale waxaana maxkamadeyntoodu ay ka dhacaysaa Maxamad military oo ku taala Guantánamo Bay, waqtiguna waa 11-ka January Sanadka 2021-ka.

Raggaan waxaa loo heeystaa dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin argagixisanimo ay ku dhinteen dad ka badan 3,000 oo qof.

Shanta nin ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee loo maxkamadeeyo weeraradii lagu qaaday New York, Washington iyo  Pennsylvania muddo laga joogo ku dhawaad 20 sano.

Haddii dambiga loo heeysto lagu helo waxaa ay wajihi doonaan Toogasho. Ninka ugu muhiimsan raggaan Khalid Sheekh Maxamuud waxaa laga soo abtay Pakistaan Sanadkii 2003dii waxaana lagu xiray Xabsiga Guantánamo ee Mareykanku uu ku leeyahay  Cuba.