Somali News

30 sano kadib Xarunta Maamulka gobolka sh/hoose oo maanta Xariga laga jaray

Guddoomiyaha gobolka shabeellada Hoose Cabduqaadir Shiikh Maxamed Nuur Siidii iyo wasiirka arrimaha gudaha koofur galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xariga ugu jaray dhismaha uu ku shaqeyn doono xarunta maamulka gobolka Shabellada hoose ee ku taala degmada Marka.

Munaasabadda xariga jarka ayaa waxaa ku sugnaa odayaasha dhaqanka iyo ku xigeenada maamulka gobolka shabeelada hoose iyo kan maamulka degmada Marka.

Guddoomiye Siidii oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xariuntan ay maal iyo habeen ay u shaqeyn doonto bulshada ku dhaqanka degmada Marka.

Xaruntan ayaa waxaa looga adeegi doonaa bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee gobolka shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha gobolka shabeellada hoose ayaa ku guuleystay horumarinta gobolka iyo dib u soo celinta goobaha danta guud ee bulshada