Somali News

DFS oo sheegtay in la xiray saraakiil ciidan ku eedeysan in ay musuq maasuqeen saadka ciidamda Danab

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in baaritaan lagu wado saraakiil ka tirsan ciidamada oo musuq maasuqay raashin ay dowladda Mareykanka ku taageerto ciidamada kumaandooska Danab.

”Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhacdadan ku wargelisay dhinacyada ay khusayso, waxayna la wadaagi doontaa natiijada baaritaannadaas marka ay soo idlaadaan Wadahadaladii u dambeeyay ee labada dhinac ayaa DFS oo la tashi dhow la gashay dowladda Mareykanka waxa ay qaadi doontaa mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab, waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto masuuliyadda taakuleynta Ciidanka Danab ee CXD” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda.

Hoos ka akhriso qoraalka