Somali News

Munaasabad lagu soo bandhigayo heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya oo ka dhaceysa markab dagaal oo ku soo xirtay dekadda Muqdisho

Waxa Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho kusoo xirtay Markab dagaal oo uu leeyahay dalka Turkiga.

Wadooyinka soo gala Dekadda magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxana lagu wadaa in markabka dushiisa ay tagaan madax ka tirsan Dawladda Federaalka.

Munaasabad lagu soo bandhigayo heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil ka socota dowladda Turkiga,