Somali News

41-cisho kadib kulanka guddoonada 17-ka degmo iyo duqa Muqdisho oo qabsoomay

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa galabta markii ugu horeysay kulan la qaatay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid todobaadle ah oo ay isku xogwareysa jireen duqa Muqdisho iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka ayaa qabsoomin wixii ka dambeeyay qaraxii 24-kii July maalin Arbaco ah loogu geystay xarunta ay ku shiraan ee Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Shirkaas oo qaatay dhawr saacadood ayaa waxaa iskugu yimid dhamaan goddonada 17-ka degmo ee gobolka,  Xoghayaha guud ee gobolka, guddoomiyaha gobolka iyo ku xigeenadiisa, waxeyna iskaga xogwareysteen sidii caadiga aheydba dhawr ajande oo ku saabsan arimaha gobolka oo uu ammaanku ugu horeeyo.

“Guddoomiye waliba waxaan ku qiimeyn doonaa shaqada uu la yimaado, anaguna waan kula xisaabtamaynaa in shacabka loo qabtay adeegyadii maamulka laga sugayay, waa inaad la timaadaan hufnaan iyo shaqo dheeri ah oo bulshadu idinka sugeyso, gaar ahaan arrimaha amniga, bilicda, fayo-dhowrka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha Caasimadda”, ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.