Somali News

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhax-dhaxaadin kawada Baydhabo

Muqdisho-KNN- Maxamed Mursal Sheekh Cabdiracmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo uu wehliyo Madaxweynaha maamulka KG Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa howlaha dib u heshiisiinta ee Maamulka cusub ee KGS uu ka bilaabay  deegaanada maamulkaasi. Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulka ka hirgasho.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanadan iyo la shaqeynta Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa.

Cabdicasiis Xasan Maxamed  ayaa odayaasha dhaqanka uga mahadceliyay Sida ay uga go’antahay horumarka iyoMaamul wanaaga deegaanadan, Isagoo balan qaaaday in mamulkiisa uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo.