Somali News

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Garowe

Garowe-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdi Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi, iyadoo loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Dhamaan madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa caawa ku sugan magalada Garoowe.

Maalinta Axada ah ee barito ayaa lagu wadaa in shir wada tashi ah uu Garoowe uga furmo madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasi oo lagu lafa guri doono arimaha siyaasadeed ee dalka.