Somali News

Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada oo ka socoto Muqdisho 

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda saacadihii ugu dambeeyay ololaha doorashada Madaxtinimada dalka, xili maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May la filayo in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan tartankeeda iska diiwangeliyay 39 musharax.

Sidoo kale, tartanka doorashada Madaxweynaha waxaa ka tanaasulay musharixiinta kala ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Dr. Cabbdinasir Cabdille Maxamed, waana musharixiintii ugu horreeyay ee shaaciyay inay iskaga hareen tartanka loogu jiro Villa Soomaaliya.

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa kulamo ka wada Muqdisho, iyagoo kulamo gaar gaar ah la qaadanaya xildhibaannada iyo madaxda maamul goboleedyada kaas oo la xiriira codbixinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa bayaan ay soo saareen ku faah-faahiyey amniga teendhada Afisyooni oo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaha, iyagoo sheegay in amniga teendhada ay si buuxda maalinkaas ula wareegi doonaan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS.

Guddiga ayaa shaaciyay in guud ahaan xerada Xalane aan loo oggolyn in wax hub ah lala soo galo gudaha hoolka doorashada ee Teendhada Afisyooni maalinta doorashada.

Sidoo kale, Guddiga ayaa bayaankooda ay Soo saareyn ku sheegay in maalinta doorashada aan la oggoleyn in teendhada lala soo galo telefoonnada, iyaga oo kasoo qeybgaleyaasha ugu baaqay inay bannaanka uga soo tagaan telefoonnadooda.

Hoolka doorashada Teendhada Afisyooni waxaa ka socoto haatan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha, iyadoo uu beri qorshuhu yahay in la qabto doorashada Madaxtinimo ee dalka.