Somali News

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka racdaysay Nicholas Haysom.

Muqdisho-KNN-Warqad ka soo baxday xafiiska wasaarada arimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya ayaa dalka looga eryay wakiilka qaramada Midoobe Nicholas Haysom.

Warka wasaarada ayaa lagu sheegay in Nicholas Heysom uu dalka isaga baxo oo aanan laga rabin in uu kasii shaqeeyo, bacdamaa uu siyaasada dalka farageliyay sida lagu sheegay warkaasi kasoo baxay wasaarada arrima dibadda ee Soomaaliya.

Arintan ka dambeysay kadib markii maanta warqad ka soo baxday Xafiiska Nicholas Heysom lagu sheegay in Booliska Koonfur galbeed ay Qaramada Midoowe taageerada ay siin jireen ay jarteen, iyadoona si kulul loo eedeyey dowladda Soomaaliya, taasi qeyb ka ah soo qabashadii Mukhtaar Rooboow iyo rabshadihii ka dhacay Baydhabo.