Somali News

Abiy Ahmed oo laga dalbaday inuu xaliyo Khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Hargeysa-KNN-R/wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa waxaa ay soomaaliland  ka codsatay  inuu xaliyo khilaafka u dhexeeya  Somaliland iyo Soomaaliya,Maadaama uu horey u xaliyay Muranka  Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan.


Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Axmed Xasan Cigaal, oo la hadlay  wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysalwasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika.


Sidoo kale Axmed ayaa wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysalwasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan.

Hadalkan ka soo yeeray Soomaaliland ayaan la ogeyn sida uu ugu falcelin doona R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed