Somali News

Abiy Ahmed oo shacabka ugu baaqay in ay ku biiray dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa hadlay dagaal culus ee ka socda wadankaasi

Abiy Ahmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ka dalbaday inay hubka qaataan, si loo soo afjaro kooxda TPLF oo magaalooyin hor la wareegay

Magaalooyin badan oo kuyaal Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo iyo xoogaga TPLF.

Ciidamada Tigray ayaa Sabtidii sheegay inay qabsadeen magaalada Istiraatiijiga ah ee Dessie oo ka tirsan gobolka Amxaarada oo dalka Itoobiya, halkaasi oo tobannaan kun oo barakacayaal Amxaaro ah ay gabbaad ka dhigteen.

Hase yeeshee dawladda Itoobiya ayaa beenisay sheegashadaas.