Somali News

Abiy Axmed oo soo ban dhigay Afganbiyo badan oo uu ka badbaaday

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore ka dhacay gobolka Amxaarada.

 Abiy oo golaha wakiillada shacabka ee dalka Itoobiya hor jeediyey warbixin dheer oo ku saabsan afgambiyo badan oo uu sheegay in ay dhicisoobeen iyo xaaladda uu haatan dalku ku sugan.

Wuxuuna  warbixintiisa ku bilaabay tilmaamidda dadka loo qabqabtay ku lug lahaanshiyaha afgambigii dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsanaa.

“Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keliya ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka”.

Abiy oo sii hadlayey ayaa yiri, Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay dhahaan waxaan tallaaba sharci ah ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha dhihina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar leeyihiin.”

“Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey,”ayuu yiri Abiy oo warbixintiisu dheereed.

Waxa uu sheegay in haatan ay si buuxda gacanta ugu hayaan Hey’adaha amaanku guud ahaan dhaq dhaqaaqa dalka, isagoo shacabkiisa ka ugu baaqay in la dhowro kala dambeynta iyo sharciyada dalka.