Somali News

Abiy oo qaaday tallaabo hor leh oo ku saabsan colaadda Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay sameysay guddi wahadal la yeelan doono TPLF si loo soo afjaro colaadda ka taagan gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

“Arrinta ku saabsan nabadda, waxaan sameynay guddi wadaxaajoodka qaabilsan, wadahadallada wakhti ayay u baahan yihiin,waxay darsi doonaan sida loo qaban doono wadahadallada” ayuu yiri Abiy.

Wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto wahadallada lagu joojinayo dagaalka Tigray.

Waa markii ugu horreysay Abiy Axmed uu soo hadal qaaday guddi ka tirsan dowladda uu wahadal la geli doono TPLF.

Dagaal u dhexeeyay TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ka qarxay gobolka Tigray bishii November sanadkii 2020, kaas oo ku faafay gobollada deriska sida gobolka Amxaarada iyo Canfarta balse xaaladda ay aheyd mid deggan tan iyo bishii March oo dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac si gargaar loo gaarsiiyo shacabka.