Somali News

AFRICOM oo war kasoo saartay duqeyn Shabaab loogu geystay Jubbada Dhexe.

Muqdisho-KNN-Hawlgalka militariga ee ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inay duqayn ka gaysteen nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe maanta oo taariikhdu ku beegneed 3-da September.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay hal xubin oo ka tirsanaa dagaalamayasha Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta Marayanka aysan waxyeelo kasoo gaarin dad rayid ah, mana sheegin AFRICOM magaca ruuxa ay sheegtay in lagu dilay bartilmaameedkaas.

Duqeyntan iyo duqeymaha kale ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa AFRICOM sheegtay in lagu caawinayo dowladda Soomaaliya si dib loogu soo celiyo siloonidii Soomaaliya loona tirtiri lahaa kooxaha kasoo horjeeda.