Somali News

Agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya oo shaqadii iskaga tagay

Muqdisho-KNN-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu shaqadii joojiyay agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya Dr.Nuur Diiriye Fuursade, sida KNN ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dr. Fuursade, ayaa ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya mudo sanad ah, balse hadda shaqadii ka tagay.

Sidoo kale Dr.Fuursade, ayaa waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaad la saadaalinayay in loo magacaabo xilka raysal wasaaraha dalka.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa ka tagista shaqadii agaasimenimo ee madaxtooyada Soomaaliya uu ka hayay.