Somali News

Agnes Callamard “Maxamed Bin Salmaan waa in cunaqabateyn lagu soo rogaa”

Madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan baaritaanada arrimaha xuquuqul insaanka ayaa si weyn u dhaleeceysay go’aanka Mareykanka ee ku aadan in wax cunaqabateyn ah uusan kusoo rogin dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kadib arrinta ku saabsan in lala xiriiriyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobey u xilsaartay arrintaas ayaa sheegtay in arrin xun ay tahay in tallaabo laga qaadi waayo Maxamed Bin Salmaan.

“Marka hore waa in isagana lagu so rogaa cunaqabateeno la mid kuwa lagu soo rogay 17-ka qof ee kale oo lagu helay iney ka dambeeyeen dilki weriye Jamaal Khashogji. hantidiisa waa in la xayiraa, akoonkiisa bangiga waa in sidoo kale laga xiro” ayey tiri Agnes Callamard.

Hadalka Agnes Callamard ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay Khaashuqji.

Maxamed Bin Salmaan wuxuu mar kasta beeniyaa in wax lug ah uu ku lahaa dilkii loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

dhanka kale Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruurtay warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

Maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof kaddib markii hore oo ay dil ku xukuntay.

2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay “inay fulisay dilka ulakaca ah ee la sii qorsheeyay” ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay “mid cadaaladda lagu hareermaray”.