Somali News

Akhriso: Liiska xubnaha ay cabashada ka gudbiyeen midowga musharixiinta

Iyadoo maalintii shalay Midowga Musharixiinta ay Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyeen liiska xubno ka tirsan guddiyada Doorashooyinka ee cabashada ka qabaan, ayaa waxaa  la soo bandhigay magacyada xubnaasi.

Xubnahan oo ka kooban 67 ruux, ayaa waxaa shaaciyay guddi heer wasiir ah oo uu Ra’iisul wasaare Rooble u xilsaaray in ay soo eegaan cabashooyinka laga soo gudbiyey xubno ka mid ah guddiyada doorashada heer gobol iyo federal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddigaasi oo ah heer wasiir ka dhagaysan doona cabashooyinka la soo gudbiyey ka hor inta uusan qaadan tallaabo uu ku beddelayo ama ay kusii jirayaan gudidgaasi.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in xubnaha ay cabashada ka qabaan ay ku jiraan shaqaale dowladeed, iyo wakiilko ka tirsan hay’adda sirdoonka dalka.

Wax ka qabashada arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii laga gaaray muranka doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay 25-kii May.

Hoos ka akhriso liiska