Somali News

Akhriso: Nuxurka khudbadii A/Madoobe ee furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Jubaland

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta furay kalfadhiga seddaxaad ee baarlamaanka Jubaland, waxuuna golaha ka hor jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa khudbadiisii maanta ku sheegay in uu dhowaan soo dhisayo golahiisa wasiirrada, waxaana hal sano laga joogaa markii dib loogu soo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Waxa uu sheegay in sababta ka hor taagneyd dhismaha golihiisa wasiirada ay tahay raadin uu ugu jiray midnimada iyo wadajir Jubaland oo dhan ah taas oo uu sheegay in illaa hadda guulo la taaban karo uu ka gaaray, isagoo balan qaaday in dhawaan xukuumad tayo leh uu soo dhisi doono.

Mar uu ka hadlaayey xaaladda gobolka Gedo ayuu sheegay in haatan uu kala xaajoonayo dowlada federaalka, oo uu ku eedeeyay in dhinaceeda ay wax ka socon la’yihiin.

Axmed Madoobe ayaa wasaaradda arrimaha gudaha maamulkiisa ku bogaadiyey dhismaha ay ku bilaawday golayaasha deegaanka, iyadoo haatan lagu howlanyahay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Afmadow, sidoo  kale waxa uu sheegay Axmed Madoobe in dhawaan la bilaabayo dhismaha golayaasha deegaanka ee gobolka Gedo.