Somali News

AKHRISO:-Puntland oo war ka soo saartay ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Sanaag.

Garoowe-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa waxaa lagu faahfaahiyay ciidamada ay soomaaliland shalay geysay deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag.

Xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ayaa xilligan ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, taasi saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.

Madaxtooyada Puntland ayaa War-Saxaafadeedkeeda ku sheegtay in puntland ay marwalba dulqaad muujineyso, balse Soomaaliland ay curyaamineyso dagaalka Puntland ay kula jirto waxa loogu yeero Argagaxisada.