Somali News

Akhriso:- Waa kuma Sheekh Aadan Madoobe

Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo xalay Magaalada Muqdisho loogu doortay Guddoomiyaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Sidoo kale, Aaden Maxamed Nuur, waxaa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo.

Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008 iyada oo markii dambena 31kii bishii january 2009, Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.

Sidoo kale, bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra’iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Madoobe uu iscasilo kadib markii baarlamaanka uu markii dambe uuu u codeeyay in xilka laga qaado.May 25, 2010, Shariif Xasan ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah, isagoo bedelay Madoobe.

Bishii January 2014, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga oo u magacaabay Raysal Wasaare Cabdiweli Seekh Axmed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa dhinaca mucaaradka, isagoo Guddoomiyaha Golaha Dhexe kasoo ahaa Xisbiga Himilo Qaran kaas oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha xubnaha mucaaradka ee Midowga musharixiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Aadan Madoobe ayaa qeyb ka ahaa Xildhibaano tiro yar oo ka hor yimid go,aankii Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo uu iskugu yeeray dhamaan Xildhibaanada laga soo doorto Koofur Galbeed, isagoo gadood ka sameeyay markaas qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT oo lagu shaaciyay in Kuraas saddex ah doorashadooda dib loogu laabanayo, iyadoo Lafta-gareen uu Xildhibaanada ku wargeliyay inay iskugu yimaadaan Magaalada Baydhabo, Balse markii dalbe ayaa xal laga gaaray tabashadii Koofur Galbeed ee la xiriirtay kuraasta oo waxaa loo fasaxay labo kursi halka lisla gartay in mid doorashadiisa lagu laabto, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT.

Madaxda kala duwan iyo mucaaradka ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo doorashadii xalay guul ka gaaray kadib markii tartan adag uu la galay Musharixii la tartamayay kaasi oo ahaa Xildhibaan Xasan Cabdinuur, iyadoo doorashadaan ay ka dhigan tahay in laga sii baxayo xaaladuu hubanti la,aanta ahayd ee uu dalka ku jiray, waxaana haatan muuqato  in hawshaasi ay soo dhammaatay islamarkaana la guuda gali doono doorashada Madaxweynaha JFS, iyadoo maanta lagu wado in Muqdisho lagu soo gabagabeeyo doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.