Somali News

Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga oo ku dagaalamaya duleedka Garbahaarey

Garbahaarey-KNN-Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya Ee ka howlgala degmada Garbahaarey Ee xarunta Gobolka Gedo oo garab ka helaya Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa hada ka socda degaan dhanka waqooyi qiyaastii 20KM kaga beegan degmada Garbahaarey.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa haatan ka socda deegaan lagu magacaabo Meykaareebey oo 20KM Dhan Waqooyi Kaga Beegan Degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo 

Waxaan Ilaa Hada la xaqiiji karin khasaaraha rasmigaa ee soo kala gaaray dhinacyada uu dhex marayo dagaalaku maadaama uu wali dagaalku socdo, waxaana weerarka soo qaaday dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Garbaaharey  Cabdi Bare ayaa KNN u sheegay in wali dagaalku uu socdo, wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno dagaalkaas ayaa sheegay in Seddax Askari ay dagaalka kaga dhimatay Ciidamada dowladda Soomaaliya.