Somali News

Al-Shabaab oo caawa weerar ay dad badan ku laayeen ku aaday Qoryoolay

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa caawa weerar culus ku qaaday degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaas ka dhacay daagaal xoog leh oo sababay in Al-Shabaab ay mudo kooban gacanta ku dhigaan magaalada.

Al-Shabaab oo Qoryoolay ku qaaday weerar dhaw jiho ah ayaa shacabka ku nool magaaladaas waxa ay sheegeen in mar qura ay ka war heleen madaafiic  kasoo dhaceysa jiha walba oo aan laheyn wax bar tilmaameeda oo gaar ah.

Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa magaaladaas ayaa waxaa la sheegay in ay iskaga carareen saldhigyadooda, isla markaana Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada.

Ciidamada dowladda ayaa weerar rogaal celis ah daqiiqado kadib ku qaaday Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Qoryoolay, waxaana markale halkaas ka bilaawday dagaal xoog leh oo Shabaab-kii weerarka soo qaaday looga qabsado magaalada.

Inta la xaqiijiyay 9 ruux oo Shan ka mid ah ay yihiin haween ayaa lagu dilay dagaalka waxaana la sheegay in dadkaas ay gubteen, kadib markii Al-Shabaab ay madaafiic xoog leh ku garaaceen dhamaan xaafadaha ay ka koobantahay degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qoryoolay ayaa KNN u xaqiijiyay dhimashada Sagaalkaas qof, waxayna sheegeen in khasaaruhu intaas ka bada karo, madaama Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen dhamaan xaafadaha magaalada.