Somali News

Al-Shabaab oo caawa weeraray Afgooye

Afgooye-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa caawa weerar ku soo qaaday Bar kontorool oo laga sugo amniga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellad Hoose.

Dagaalka oo socday in kabadan saacad ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo ku sugnaa barta koontorool iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo iyagu soo weeraray halka laga soo galo magaalada, sidoo kalana ay ku taallo buundo muhiim ah.

Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa la maqlayey jug aad u culus oo u eg qaraxyo iyo hub xoogleh, waxaana la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii caawa.

Ila wareedyo ayaa KNN u sheegay in ilaa seddax askari weerarkaas looga dilay ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kalana uu jiro khasaare loo gaystay dagaalamayaashii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

Xaaladda degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa hadda degan mana jiraan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay samaynayaan dadka ku nool magaalada, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay ridayaan ciidanka dowladda oo hadda ku sugan goobtii lagu dagaalamay.

Shabaab-kii weerarka ku qaaday mid ka mid ah baraha koontorool ee ugu muhiimsan degmada Afgooye ayaa dib ugu laabtay goobihii ay kasoo weerar tageen, mana jiraan wax war ah oo ku aadan weerarkaas oo kasoo baxay Al-Shabaab.