Muqdisho-KNN-Wararka ka imanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in rag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay saaka ka afduubteen magaaladaas labo dhakhtar oo u dhalatay dalka Cuba.
Kooxda afduubatay dhakhaatiirta ayaa la sheegay inay dileen ilaaladii dhakhaatiirta kahor inta aysan afduuban, sidan waxaa warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay Booliska Kenya
Sida uu daabacay wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa, mashruuc ay dawladda Kenya dhakaatiir ajnabi ah uga keensatay dalka Cuba.
Warar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta loo soo gudbiyay dhanka Soomaalya, Balse lama oga ujeedka ka dambeysa afduubka dhakhaatiirtan, inkastoo
Ammaanka gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa soo wanaagsananayay bilihii la soo dhaafay,hase yeeshee waxaa hore ugaga dhici jirey weeraro ay ka geystaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.