Somali News

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ku dhaw Dooloow

Dooloow-KNN-Sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ay isticmaasho, ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalamayaashoodu ay saaka la wareegeen deegaanka Geedweeyne oo hoos taga degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Wararka aan ka heleeyno deegaankaa ayaa waxa aya sheegayaan in dagaalamayaal katirsan shabaab ay qabsadeen, waxaana saldhig ku lahaa ciidamada Jubaland, deegaankanna waxa uu ku dhawyahay xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Taliska ciidanka Jubaland-na wali kama hadal qabsashada Shabaab ee deegaanka Geedweeyne oo ku yaalla duleedka Dooloow.