Somali News

Warbixin: Al-Shabaab oo shaaciyey in bartilmaameedkoodu ahaa Jeneraal Galaal

Muqdisho-KNN-Ururka Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerarkii gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarka.

Al-Shabaab waxay sheegeen in 13-kii sano ee la soo dhaafay ay ku raad joogeen Jeneraal Galaal, intaasna ay ku raadi jireen fursad ay ku dilaan.

Waxay ku eedeeyeen in qibradiisa ciidan uu mudo dheere u adeegsanayey burburinta ururkooda, isla markaana saaxiibada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya uu ka caawin jiray khaarajinta xubnahooda sare.

Maamulkii Ahlu-Sunna ee gobollada dhexe dagaalka adag kula galay Al-Shabaab ayey qoraalkan ku sheegeen in aas-aaskiisii waqti iyo maskax badan uu ku bixiyey.

Sidoo kale maamulka hadda ka jira gobollada dhexe ee Galmudug ayey tilmaameen in dhismihiisa uu Jeneraal Galaal door muhiim ah ka qaatay.

Kooxdu waxay kaloo qoraalkooda ku sheegeen in sanadkii 2008-dii uu Jeneraal Galaal ka qeyb qaatay dilkii magaalada Dhuusamareeb loogu geystay aas-aasihii ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Ceyrow oo diyaaradaha Mareykanku ay ku duqeeyeen guri uu ka deganaa bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Bartilmaameedka weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Afriik Al-Shabaab waxay ku sheegeen inuu ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, balse kaligii ma dilin ee waxay qoraalkan ku qirteen inay la dileen 23 qof oo kale.

Inta la xaqiijiyey in ka badan 15 qofood ayaa lagu dilay weerarkaas, halka dhaawacyadu ay intaas ka badanyihiin, waxaana la sheegay in dadka ku dhintay ay ku jireen lamaane aroos ahaa.

Saaraakiisha ciidamada ammaanka Soomaaliya ee ka qeyb qaatay howlaglkii lagu soo afjaray kooxda weerartay Hotelka waxay sheegeen inta aan la dilin Jeneraalka inuu aad u dagaalamay, isla markaana uu dilay labo ka mid ah dagaalamashii Al-Shabaab ee galay Hotelka.

Wareysi uu bixiyey sanadkii lasoo dhaafay ee 2020, waxa uu kala hadlay Al-Shabaab, isagoo u soo jeediyey in gumaadka ay ka daayaan dadka Soomaaliyeed ee qaran jabka la daalaa dhacaya.

Jeneraal Galaal waxa uu ka mid ahaa saraakiishii lagu aas-aasay ciidanka booliska Soomaaliya sanadihii afartamaadkii, xilligaas oo koonfurta Soomaaliya uu Talyaani gumeysan jiray.

Sidoo kale sanadihii lixdamaadii ayaa mar kale saraakiil uu ka mid ahaa lagu aas-aasay ciidanka xoogga dalka, iyadoo tabarkii ugu dheeraa sanadkii 1964-kii loogu diray dalka Ruushka, oo xilligaas dhanka militeriga aad uga caawi jiray Soomaaliya.

Dagaaladii qaraaraa ee dhex-maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya sanadihii 1964-kii iyo 1977-kii ayuu ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada Soomaaliya.

Jeneraalka iyo dad kale oo kula geeriyooday weerarkaas waxaa maanta salaada Janaasada lagula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, waxaana dadkii ku dukaday ka mid ah Ra’iisul wasaaha dalka, xubno ka trsan golihiisa wasiirrada, xildhibaano ka kala socday labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday midowga Musharxiinta iyo siyaasiyiin kale.

Intaas kadib waxaa la sheegay in Meydka Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal galabta loo qaaday magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, si halkaas loogu aaso.