Somali News

Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada weerar ka dhacay hotel Ku yaala Kismaayo

Muqdisho-KNN-War goordhow kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen masuuliyada weerer ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hotel ku yaala Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalamayaal ka tirsan Kooxdooda ay weerar xoogan ku qaadeen mid kamida Hoteellada ay deganyihiin saraakiisha maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbaland.

Ma sheegin Al-shabaab weli khasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay mid ka mid hoteelada Ku yaala Magaalada Kismaayo.

Wixii Ku soo kordha la soco.