Somali News

Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarka ka socda Hotel Afrik

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afrik oo ku yaala inta u dhexeysa isgoyska KM4 iyo wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegteen in ay weerar ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ku soo qaadeen Hoteel AFRIK islamarkaana gudaha Hoteelka uu haatan ka socdo dagaalku balse faahfaahin kama bixin khasaaraha weerarkaas.

Weli waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanaayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab

Gaadiidka gurmadka ayaa sidoo kale wada gurmad ay u sameynayaan dadkii ku dhaawacmay weerarka ku bilowday qaraxyada