Somali News

Al-shabaab oo weeear ku qaaday ciidamada xoogga

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay miino la eegteen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka yimid Buulo-burde, isla markaana waxaa bilaawday dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa ka duwan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal Maanta degaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada la weeraray ayaa geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen, sidoo kalena ay la wareegeen degaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan , halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.