Somali News

Al-shabaab oo weerar ka geystay deegaan hoos yimaada magaalada Wajeer

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa wada howgallo ka dhan ah dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo weeraro ka geystay magaalda Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab oo weerar isugu jira qaraxyo iyo rasaas ku qaaday ciidanka ammaanka Kenya iyo xarruunta shirkadda Isgaarsiinta Safaaricom ay ku leedahay deegaanka Dasheg oo u dhow magaalada Wajeer.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Amniga Kenya, waxaa dagaalameyaasha ay weerar ku qaadeen askarta ilaalineysay anteenada shirkadda, ugu dambeyn in ay u suurtagashay in ay qaraxiyaan anteenada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo iyo rasaas la isweydaarsanayay Ciidamada Kenya iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen xarruunta Isgaarsiineed, waxaase gabi ahaanba burburay Anteenada Isgaarsiinta.

Waxaa muddo saacado ah hakad galay isgaarsiintii deegaankaasi, taasoo si weyn u saameysay shacabka deggan magaalada Wajeer.

Maalmihii la soo dhaafay Al-shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan ismaamulada Mandera iyo Gaarisa, taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo isugu jira shacab iyo askar.