Somali News

Faahfaahinta dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-la-helay ee gobolka Galgaduud

Dagaalameyaal tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee  ku sugan deegaanka Ceel-la-helay ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa waxaa uu ku billaawday Gawaari laga soo buuxiyay Walxaha qarxa oo ay adeegsadeen Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka la soo sheegaya in ay iska difaaceen Weerarkaasi, walow aanan wali la xaqiijin karin tirada khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Isgaarsiinta deegaanka ayaa go’an, mana jiro wax war ah oo ka soo Baxay Dowladda Soomaaliga oo ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-la-helay.