Somali News

Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku billaawday ku qaaday magaalada Caad

Dagaalameyaal Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday magaalada Caad ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Cutubyo ka tirsan xooga dalka iyo daraawiishta Galmudug.

Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in la maqlayo rasaas culus oo labada dhinac isweedaarsanayaan.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan madaaba uu socda.