Somali News

Amaanka Garoowe oo maanta aad loo adkeeyay.

Garoowe-KNN-Waxaa maanta aad loo adkeeyay amaanka Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal, kadib markii maanta ay tageen Magaaladaasi masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa la dhigay wadooyinka soo gala garoonka diyaaradaha garoowe iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Isticmaalka gaadiidka noocyadooda kala duwan ayaa loo diiday in ay isticmaalaan wadooyinka soo gala garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Beri ayaa la filayaa in magaalada Garoowe lagu caleema saaro madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.