Somali News

Ammaanka guud ee Muqdisho oo aad loo adkeeyay

Muqdisho-KNN-Waxaa saakay gabi ahaanba dhaqan galay amarkii kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ee ahaa joojinta dhamaan isku socodka dadweeynaha iyo gaadiidka kala duwan xiliga lagu gudda jirro Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya oo maanta muqdisho ka dhaceeyso.

Ammaanka guud ayaa saaka ah mid aad loo adkeeyay, iyadoona goob kasta ay ku suganyihiin Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xalay seqdii dhexe lasoo dhoobay baraha kontorol ee Magaalada muqdisho.

Sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa ku sugan xaafadaha qaar ee Magaalada muqdisho iyagoona joojinayo isusocodka Dadka iyo gawaaridda.

“Majirro Ruux dhaqaaqayo Maanta maxaa yeelay Waxaa dhaceyso Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya, waa in Loo hogaansamo awaamirta Booliska si loo ilaaliyo nabad gelyadda”, sidaasi waxaa yiri mid kamid ah Saraakisha Ciidamada Dowladda oo aan kulanay.