Somali News

Antonio Gutters” Shaqaalaha Q.M. looma isticmaali karo, Personna non grata, mana qabto “.

Muqdisho-KNN-Xogahaya guud ee QM Antonio Gutters ayaa sheegay in Go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ku erisay wakiilkiisii uusan waafaqsaneeyn Dublamaasiyadda Caalamiga ah.

Waxaa uu muujiyay walaaciisa ku aadan in Dowlada Soomaaliya ay markale diiday in uu dib u soo celiyo Haysom kadib Markii Sedax maalmood gudahood ay Labo jeer tilifoonka ku wada hadleen Gutters iyo Madaxweyne farmaajo.

War uu faafiyay Afayeenka Xogahaha Guud Farxaan Xaaq ayaa waxaa uu ku sheegay in Ereyga dublamaasiyadeed ee Eryidda loo adeegsado Personna non grata uusan qaban shaqaalaha QM.

“sida ku cad heshiiskii xiriirka Dublamaasiyadda ee Geneva lana gaaray 1961kii, Persona non grata waxay qabataa shaqaalaah dublamaasiyadeed ee Wadan uu wadan kale u dirsaday markii loo eego xiriirkooda. QM wadan maahan shaqaalaheedana wadanka la geeyo  ma aqoonsado, laakiin waxay ku shaqeeyaan masuuliyadda Xog hayaguud” ayaa warkaan lagu sheegay.

Maadaama Haysom uu san ahayn shaqaaale Dowlad gaar ah Soomaaliya u jooga waxaa meesha ka baxaya cayrinta ku xusan go’aankii Dowladda Soomaaliya ay soo saartay 1dii Bishaan, marka loo eego dooda Xoghayaha guud ee QM uu ka qabo cayrinta wakiilkiisa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wakiilkii QM Nicholas Haysom uu faro galin ku sameeyay Madaxnanaanidda Dalka sidaas darteedna aan dalka laga rabin uusanna ka sahqayn Karin.

Si kastaba, Gutters waxaa uu aqbalay Go’aankii Dowladda Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay Xafiiska QM ee Soomaliya ay ka go’antahay in uu si hufan ugu adeego Dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kalena Dowladda faranisiiska ayaa waxaa ay ka hortimid Go’aanka Dowladda Soomaaliya waxayna ku tilmaantay mid gooni ah.

Faranisiiku waxaa uu taageero buuxda u muujiyay ergaygii la eryay ee Haysom waxaa uuna ku sheegay Nin daacad ah u nabadda markii uu ka shaqaynayay QM iyo wadankiisa Koofur Africa.