Somali News

Aqalka Sare oo ansixiyey xubin cusub oo lagu biiriyey guddiga doorashooyinka

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen maanta waxay ku ansixiyeen xubin cusub oo lagu biiriyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Sacdiya Yuusuf Shuuriye ayaa maanta loo ansixiyey ka mid noqoshada guddiga doorashooyinka dalka.

Sacdiya Yuusuf oo cod buuxa ay xubinimadeeda ku ansixiyeen golaha Aqalka Sare ayaa loo dhaariyey xubinimadeeda isla maanta.

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u ansixiyey xubinimada Sacdiya ee guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.