Somali News

Aqalka sare oo shaaciyay waqtiga uu furmayo kulankooda.

Muqdisho-KNN-Guddiga joogtada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shir waxaa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Shirka guddiga ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa Katashiga Furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka Sare, ka doodista iyo Ansixinta qorshe howleedka kalfadhiga 5aad ee golaha .

Kulanka marka uu soo dhamaaday kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Hab-dhowraha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Sen. Cabdi Kaafi Macalin Xasan, waxaa uuna sheegay in kulanka looga dooday ajandaha horyaala oo ay ugu muhiim sanayd Furitaanka kalfadhiga 5aad.

Sidoo kale senatarka ayaa shaaca ka qaaday waqtiga uu furmayo kalfadhiga Golaha aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa uuna sheegay in 16ka bishan uu furmi doono kulanka.