Somali News

Aqalka Sare oo sheegay inuusan jirin kulanka uu ka dalbaday madaxweyne Farmaajo

Senatarada golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad ah u diiday dalab uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u diray xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare, kaasi oo ku aadan in beri ay isugu yimaadaan kulanka labada gole ee baarlamaanka.

War kooban oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee aqalka sare ayaa lagu sheegay in golaha aqalka sare aan lagu wargelinin kulanka ay beri yeelanayaan labada gole ee baarlamaanka Somaaliya.

“Ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021”

Sidan ayay u qorneed fariinka aqalka Sare


“Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021”