Somali News

Arday ku dhimatay dab qabsaday iskuul ku yaala Hindiya

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 19 arday ayaa ku dhimatay dab qabsaday iskuulkii ay ka dhiganayen Hindiya, sida ay Saraakiisha Dowladdu Sheegeen.

Ardaydu ayaa la arkayay iyagoo kasoo boodaya dhisme ku yaala magaalo dhacda Galbedka Hindiya ee Surat iyadoo qiic madowna uu daaqadaha ka baxayo.

Inta badan dhibaneyaaashu waxay ahaayeen dhowr iyo taban jirro dhiganayay xarunta gubatay. Waxa dabka sababay illaa iyo hadda lama ogaan, laakiin masuuliyiinta Magaaladda ayaa sheegay in dabku uu ku faafay dhamaan Fasaladda iskuulka sababtoo Saqafka saaran oo sahlaya in holacu bal-balo.