Somali News

Armenia oo Turkiga ku eedeysay iney diyaarad dagaal ka soo riidday

Muqdisho-KNN-Dalka Armenia ayaa sheegay diyaarad dagaal inuu Turkiga ka soo riday inta uu socday dagaalki ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Armenia ayaa sheegtay duuliyaha diyaaradda SU-25 uu Ruushka sameeyey inuu dhintay kaddib marki ay gantaal ku dhufatay diyaarad F-16 oo laga leeyahay Turkiga oo ku soo xadgudubtay hawada dalka Armeniya.

Balse Turkiga oo si weyn u taageera Azarbajaan ayaa eedda ay u soo jeedisay Armenia ku gacan seyrtay.

Ku dhawaad 100 qof oo ay dad rayad ah ku jiraan ayaa ku dhintay dagaalki seddexda maalmood ka socday dhulka buuraleyda ee lagu muransan yahay.

Dhulka buuraleyda ee Nagorno-Karabakh ee lagu muransan yahay ayaa caalamka looga aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dalka Azarbajaan, balse tani iyo dagaalki 1988-1994-tii dhexmaray labada dal oo ka wada tirsanaa Jamhuuriyaddi Midowgii Soofiyeti waxaa dhulkaasi gacanta ku hayey qowmiyad ka soo jeeddo Armeniya.

Isha:BBC