Somali News

Askari, Askari kale maanta ku dilay m/Muqdisho

Muqdisho-KNN-Askari katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa goor-dhaw Askari kale oo katirsan Ciidamada Miletariga ku dilay afafka hore ee Wasaaradad Maaliyadda Soomaaliya sida ay sheegeyn masuuliyiin katirsan Shaqaalaha Wasaaradda.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka Askarigaan, balse warar la helay ayaa sheegaya iney murmeyn. Qaar ka mid ah masuuiyiinta degmada Shangaani ayaa sheegay in la qabtay Askarigii dilkaasi ka dambeeyay.