Somali News

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo maanta lagu dhaawacay Yaaqshiid

Muqdisho-KNN-Nin hubeynsan ayaa Maanta Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya ku dhaawacay xaafada Suuq Bacaad oo ku taala Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Gooboogayaal ah ayaa KNN waxaa ay u sheegeen in Ninka falka dhaawac ah u geystay Askariga ay soo qabteen Ciidamada dowlada,xili uu ku sugnaa gudaha Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

Askariga dhaawac ah ayaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoona hada xaaladiisa caafimaad halkaasi lagu dabiibayo.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliya.

Arintan ayaa ku soo beegmayaa xilli maanta nin hubeysan ay ciidamada amaanka ay ku toogteen agagaarka Daljirka daahsoon ee Magaalada Muqdisho.