Somali News

Askari katirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo lagu dilay Cadaado

Muqdisho-KNN-Nin hubeysan ayaa maanta magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ku dilay Askari katirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa bartamah Cadaado.

Ninka dilka fuliyay oo watay Qori AK47 ayaa la sheegay in dilka kadib ay goobta ka baxsaday waxaana magaciisa lagu soo koobay Garyare.

Ilaa hadda lama oga waxa sababay dilka Askarigaan waxaana meesha ay wax ka dhacayn gaaray Ciidamada amaanka ee magaalada Cadaado.